Share the post "Xildhibaano Kala Hadlay Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka kaasoo uu la yeeshay tiro Xildhibaano ah oo laga soo doortay Degaanada Puntland, kulankaan ayaa loo diiday Saxaafada, waxaa diirada lagu saaray shaqaaqadii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso…
Wararka ayaa sheegay in kulankaan looga hadlay sidii Dhaawacyada culus ee ay Dowlada Federaalka u geyn laheyd isbitaalada Mogadishu ama Dalka Dibadiisa, iyadoo la la kaashanaayo Saaxibada Somalia, iyadoo tirada dhimashada dagaalkaasi lagu sheegay 12-Askari iyo tiro kale oo aan la shaacin.
Xildhibaanada Puntland ku matala Labada Aqalka ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia, waxay ka xun yihiin dhacdadii Nasiib darrada ahayn ee shalay ka dhacday Magaalada Boosaaso, waxayna ku baaqayaan in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.
Ugu dambayn, waxey ka codsadeen Dowlada Federaalka, Maamulka Puntland, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta in loo istaago u gargaaridda dadka abaartu saameysay iyo kuwa hadda la tacaacalaya.