Kulanka Jabuuti Iyo Go’aanada Laga Filan Karo.

Somalia news

Sida aan maanta News-ka soo sheegnay, Waxaa lagu wadaa in todobaadka soo socda I u, ay Magaalada Jabuuti Soo gaari doonaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Trump, iyagoo qeyb ka noqon doona Wadal hadal ay yeelan doonaan Farmaajo iyo Muuse Biixi….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ka qeyb Gali doono iyadoo uu Kulankaan uu marti geliyay Madaxweynaha Jabuuti, waxaa socda qaban qaabada kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Somalia, waxaana kulankan looga hadlayaa arrimaha Gobolka, iyadoo uu socdo qorshe Jabuuti looga qeyb gelinayo mashruuca uu waday Abiy Ahmed ee is dhex galka dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale warar kale oo muhiim ah ayaa iyana sheegaya in kulankaas looga faa’ideysanayo in Jabuuti lagu kulansiiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo isna Jabuuti tagi doono, waxaa la hadal hayaa in isu keenida Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ka qeyb qaadan doona Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo saddexda dal ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Ethiopia ay xaalado kala duwan oo gudaha dalalkooda wajahayaan, gaar ahaan Somalia oo ku jirta kala guur siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa gabaabsi yahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in heshiis hordhac la gaaray, waxaana lagu wadaa in Xilka Madaxweynenimo uu iska casili doono Mr.Farmaajo, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne KMG ah loo doorto Muuse Biixi halka Ra’iisul wasaare uu ka imaan doono Beelaha Hawiye.

41350cookie-checkKulanka Jabuuti Iyo Go’aanada Laga Filan Karo.