Share the post "Xisbiyada Mucaaradka Oo Qoraal Ka Soo Saaray Joogitaanka Ciidamada Ethiopia"
Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa mar kale war kasoo saartay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo aan qeyb ka ahayn Amisom, ayada oo baad u dirtay beesha caalamka.
Madasha, oo bayaan ay soo saartay kusoo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirki golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, ayaa ku celisay baaqi 13-ka bisha May ay soo saartay kaasoo lagu dalbaday in ciidamada Itoobiya ee aan kamid aheyn howlgalka AMISOM laga saaro gudaha dalka.
“Madasha waxay ka mahadcelisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ciidankaasoo tiradiisu tahay 19,626 askari waxay sharciyad u heystaan in gudaha Somalia ay ka howl galaan ilaa 28-ka Febraayo 2021 si’ ay gacan uga geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Madashu ayaa intaas ku dartay inay ka walaacsantahay in lagu xad gudbay, qaranimada Soomaaliya, siyaadada dalnimo, madax bannaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay 1992 ee tirsigeedu yahay 733 iyo qaraarkii QM ee 2520 oo soo baxay sanadkan 2020.