Ma Dhabaa in Shaqsi Ethiopian ah loo Magacaabi rabo Agaasimaha Madaxtooyada…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Madaxweynaha Somalia uu u magacaabi rabo Agaasimaha cusub Madaxtooyada Villa Somalia Shaqsi Ethiopian/Somali ah, kadib markii Agaasimihii hore uu si lama filaan ah xilka iskaga casilay, markii uu khilaaf xoogan uu ka qarxay isaga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir-Iley…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Agaasimaha cusub lagu Magacaabo Cabdixakiim Yuusuf oo Dhalashada Ethiopia heysta, kaasoo bilihii ugu dambeeyay kaga howl galaayay Madaxtooyada Mashruuc ay fulineysa Hey’adda Adam Smith International oo fadhigeedu yahay Dalka UK, wuxuuna horey u soo noqday Agaasimaha xafiiska Maaliyada ee Madaxweynaha Kilinka Somalida Ethiopia.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya Safaaradaha Ethiopia & Sirdoonka UK ay daaha gadaashiisa ka riixaayay maalmihii ugu dambeeyay sidii Shaqsigaan loogu magacaabo lahaa Jagadaan, iyadoo sidoo kale Faarax Sakiin uu qeyb ka yahay kuwa culeysyada wada, waxaa magacaabistaan ka dhigan tahay sidii loogu kalsoonaan karo shaqsi kaarar badan inuu Madaxtooyada Dalka maamulo.

272270cookie-checkMa Dhabaa in Shaqsi Ethiopian ah loo Magacaabi rabo Agaasimaha Madaxtooyada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com