Ma Runbaa in Farmaajo & Kooxdiisu isku Dhufsadeen Xisaabo Khaldan

Somalia news

Inkastoo Ololaha Doorashada musharixiinta uu yahay mid muuqda, lana ogyahay dhinacyada musharrax kasta uu miisaanka saaraayo, isla markaasna uu farta ku godaayo fashilka 5-tii sano ee Mka Farmaajo, ayeey kooxda dacaayadda u qaabilsan Farmaajo, wali sii wadaan marin-habaabin si ay u qaldaan Xildhibaannada ku cusub golayaasha..

Maalmahan waxaa socotay dood u dhaxeysay Kaadiriinta NN ee majaraha u haya Ololaha Farmaajo, Doodahaan ayaa la sheegay iney saldhig u ahaayeen slogan-nada iyo in qorshaha Plan B ka dhiganayaan inay hadda sii sheegaan iyo marka Teendhada la tago wareegga labaada.

Horjoogaha weyn ee NN ayaa soo jeediyay in Teendhada marka ay tagaan oo xaalka qiimeeyaan ay Plan B ka fikiraan, balse inta ka horeysa aan laga hordhicin, laakiin gacan yaraha Horjoogaha ayaa isna qaba haddii Teendhada la aado oo wareegga koowaad soo dhamaato in aan xulasho la yeelan karin oo cid walba ay aadeyso meesha ay dabeysha u socoto.

Ololaha Doorashada ee Sanadkaan ayaa noqday mid xoogan oo xitaa Farmaajaha fashilmay soo dhegsaday Boor Is-bedel doon socda, iyadoo Dadka badan isweydiinayaan Isbedelka 4-sano ee soo socota uu keeni karo mar hadii uu 5-tii sano ee la soo dhaafay ku fashilmay dhamaan balamihii uu qaaday, ”Ku Qabso ku qadi meyside”.

187070cookie-checkMa Runbaa in Farmaajo & Kooxdiisu isku Dhufsadeen Xisaabo Khaldan