Xogtii Ugu Dambeysay Kulankii Fahad & Saraakiisha Amaanka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan Casho ah ay xalay Saraakiisha Amaanka garabka Farmaajo la yeesheen Eedeysanaha Fahad Yasin kaasoo ka dhacay Xarunta NISA, ayaa waxaa looga dooday Khilaafka taagan iyo sidii dagaal loogu diyaar garoobi lahaa lagu qaado Rooble iyo Taageerayaasha…

Kulanka Ka hor Maxaa Dhacay:-

Kulanka ka hor dhamaan Saraakiishii goobta xaadirtay marka laga reebo Duqa Muqdihso ayaa loo sheegay iney banaanka uga soo tagaan Taleefanada iyo Faraantiyadda ay wataan, si aan wax sawirro ah looga qaadin, maadaama Fahad uu xasaasiyad gaara ka qaaday sawirro baraha buslhaada lagu faafiyay oo todobaadkii hore garoonka Jabuuti looga qaaday.

Daraakiisha Kulanka ka qeyb gashay ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in xalka khilaafka madaxda sare ee dalka uu dhow yahay gacan ka hadal, wuxuuna tilmaamay in Bashiir Goobe iyo Yaasiin Fareey ruux aan aheyn la keeni doono taliska hay’adda NISA.

“ Wuxuu si cad noogu sheegay in taliyaha NISA aan banaanka laga keeni doonin oo laga soo dhex saari doono oo kaliya saraakiisha NISA ee hadda shaqeysa, wuxuuna tilmaamay in 4-ta talis ciidan ay isaga hadda wixii ka dambeeya hoostagayaan maadaama laga dhigay lataliyaha amniga qaranka.

Fahad ayaa sidoo kale u sheegay saraakiisha kulanka fadhiday inuusan dooneyn inuu maxkamad la koro saraakiisha iyo askarta NISA ee danbiyadda waaweyn gasha, isagoo taas ku sababeeyay in mar walba ay hoos u dhigeyso sumcadiisa iyo mida hay’adda.

Sida xogaha aynu ku helnay kulanka wuxuu Fahad isugu yeeray dhamaan saraakiisha sirdoonka, iyadoo fadhiga lagu arkay saraakiil waayadan dambe loo xaglinayay dhanka Bashiir Goobe oo Ra’iisul wasaare Rooble uu u magacaabay Agaasimaha NISA.

142180cookie-checkXogtii Ugu Dambeysay Kulankii Fahad & Saraakiisha Amaanka