Farmaajo Oo Diyaariyay Qorshihii Uu Ku Boobi Lahaa Xildhibaanada Waqooyiga

Somalia news

Iyadoo la isku diyaarinaayo in Siyaasiyiinta iyo Garabyada kala duwan ee kooxaha isku haya Siyaasada Somalia ay door muuqata uga qaadan lahaayeen Doorashada dadban ee la filaayo in laga qabto Dalka, ayaa waxaa soo shaac baxaaya welwel laga qabo habka loo xulaayo Xildhibaanada…

4-Sano ka ayeey aheyd markii Maamulka Xasan Sheekh uu fara gelin xoogan ku sameeyay inta badan Xildhibaanada lagu sheegay iney soo xusheen Odayaasha Dhaqanka, iyadoo Lagu Eedeeyay Mr.Xasan Sheekh inuu Xildhibaan u xushay Cunno-kariyihiisii gaarka ahaa kaasoo ka soo jeeda Xildhibaanadaan Waqooyiga.

Waxaa soo shaac baxaaya in Farmaajo iyo Mahadi Guuleed ay isla meel dhigeen in Xildhibaano loo xusho Dhalinyaro laga soo uruuriyay Magaalada Hargeysa iyo Burco, kuwaasoo dhaqaale lagu siiyay iney u tartamaan Xildhibaanimo, waxaana la dejiyay Hoteel ku yaal Magaalada Mogadishu.

Hadaba, Ma Dhabaa in Xildhibaan Xuseen Carab Ciise uu Qorsheeyay Mr.Farmaajo in lagu bedelo Gabadha da’yar oo laga keenay Magaalada Hargeysa isla markaasna ka mid ah Xoogaga CBB-da.

126600cookie-checkFarmaajo Oo Diyaariyay Qorshihii Uu Ku Boobi Lahaa Xildhibaanada Waqooyiga