Xogtii Ugu Dambeysay Shirka Dhuusa mareeb

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Qodobada dooda adag ay ka taagan tahay, waxaana la sheegay in doodo ka dhasheen qaabka loo maraayo heshiisyada la gaaro waxaana la go’aamiyay in Qoraal rasmi ah loo bedelo qodobada lagu heshiiyo…

-Guddiyada Doorashada Waqooyiga Waxaa la go’aamiyay in 2-garab loo qeybiyo si siman, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Kuxigeenka Wasiirka 1-aad.

-Muddo Kordhin Shaqo oo jadwaleysan (3-bilood ah) ayaa ka mid ah dooda haatan taagan, iyadoo lagu qabanaayo waxa lagu heshiiyo.

-Xiisada Gedo:- Waxaa weli laga doodayaa qodobo ay ka mid yihiin:-

1- In Guddi ka socda Maamul Goboleedyada loo saaro oo dib u heshiisiin ka bilaaba labada garab Ee isku haya Maamulka Gobolka Gedo.

-Qaabka ugu wanaagsan Ee Doorasho loogu qaban lahaa Gobolka Gedo iyo in Maamulka loo madax baneeyo Guddiyada Doorashada Jubbaland.

-In Ciidamada Boliiska Amisom la geeyo goobaha Doorashada si ay Nabada iyo Amaanka Guddiyada Doorashada u ilaaliyaan.

-In Roadmap oo qeexaaya heshiiska iyo wakhtiga Doorashada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha.

92110cookie-checkXogtii Ugu Dambeysay Shirka Dhuusa mareeb