Ma Dhabaa In Eedeysane Fahad uu Ku Dhuumanaayo Hotel Decale

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in tiro Saraakiil ka tirsan Sirdoonada Turkiga iyo Qatar ay gacan ka geysteen sidii Eedeysane Fahad Yasin loogu heyn lahaa Hoteelka Decale ee Garoonka Diyaaradaha, Fahad ayaa cabsi badan ka muujiyey, is hor-taagii lagu sameeyey Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nur iyo ciidamadii la dhoobay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Eedeysane Fahad Yaasiin uu labadii habeen ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa Hotelka, wuxuuna joojiyey dadkii ku soo booqanayey Hoteelka, isagoo Maamulka Hotel Decale ka dalbaday in aan cidna loo soo sii deyn, sababo la xiriira tuhunka iyo cabsida uu la nool yahay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Wararka ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqiisa ay si toos ah ula socdaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaasoo uu hore u xumaa xiriirka ay Fahad la leeyihiin, isla markaana ka tirsan Golaha wasiiradda ee daacada u ah Rooble, Xubnaha walaaca muujinaya ee Farmaajo u dhawaa, ayaa waxaa ka mid ah, Kulane Jiis iyo taliyaha ciidanka badda Cabdixamiid Dirir, kuwaasoo loo diidday in ay dalka ka dhoofaan, maadaama sida la sheegay uu baaritaan ku socdo.

Farmaajaha Fashilmay ayey Villa Somalia ku heysataa, wehel la’aan siyasaadeed, maadaama ay soo cidleeyeen xubnihii la qorsheeyey isku deygii fashilmay ee afganbiga ahaa iyo tacadiyadii ay Wada geysteen 5-tii sano ee u dambeysa.

159160cookie-checkMa Dhabaa In Eedeysane Fahad uu Ku Dhuumanaayo Hotel Decale