Rooble Oo Amar ku Joojiyay Shaqaalaha Safaaradaha Somalia Ee Xilalka laga Qaaday..

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 Shaqaalaha Dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada…

Warqadaan ayaa waxaana la faray in dhammaan in Shaqaalahaasi dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkaan, iyadoo uu amarkaan uu saameynaayo Khilaafka ka taagan Dhismaha Safaarada Somalia ee Dalka 🇮🇹.

Iyadoo uu meel sare gaaray khilaafka ka dhex taagan safaaradda Somalia ee ku taal xaafada Prati ee magaalada Rome kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaana lagu bedelay 7-dii April inuu sii haye nodqo Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo uu adeer u yahay Farmaajo.

190370cookie-checkRooble Oo Amar ku Joojiyay Shaqaalaha Safaaradaha Somalia Ee Xilalka laga Qaaday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com