Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Dhawaan Sii Deynayaan Isku Shaandheyn Kooban ee Golaha Wasiirada..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qorshe ay Madaxtooyada Villa Somalia ay isbedel & isku shaandheyn saacadaha soo socda la filaayo iney sii dayaan Xubnaha Wasiirada qaarkood oo Wasaaradahooda la kala bedelay halka kuwo cusubna la magacaabay…

Warar ayaa sheegaya in Axmed Macalin Fiqi la filaayo in loo magacaabo Wasiirka Arrimaha dibada DFS, wuxuuna xiligaan ku magacaaban yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dadka qaarkood ayaa ku tilmaamay in saami qeybsiga Beelaha lagu xadgudbay bacdamaa Wasaaradaha Arrimaha dibada, Qorsheynta, Iskaashiga caalamiga ah, Caafimaadka, Cadaaladda, Dastuurka iyo Batroolka ay isku dhinac mari doonan.

Ku darsoo Kursiga dhinaca Gobolka Gedo, ayaa la saadalinayaa in ku yimaado Is afgarad siyaasadeed oo Xubinta loo magacaabaayo uu noqdo mid ku shaqeeya danaha Madaxtooyada ee ku wajahan Jubbaland, uusana kahor imaan- karin, taas oo uu aqbalay in Axmed Madoobe ay wada hadlaan, waxaana loo wadaa Senator Fartaag inuu noqdo Wasiirka Amniga ama Xubin kale oo beesha Miisaan siyaasadeed ku dhex leh.

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Jagada Wasiirka Arrimaha gudaha DFS ayaa la qorsheeyey in loo magacaabo Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka ah, kana soo jeeda gobalka Nugaal, iyadoo xubinta Gobolka Sool ay ku leedahay Wasiirada Federaalka ayaa loo magacaabi doonaa Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka, horeyna Wasiir u soo noqday xiligii Farmaajo (Cabdulaahi Bidhaan Warsame).

Halka Wasiirada Haweenka laga soo xulan doono Beesha 5-aad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda ayaa loo wadaa inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Halka Abshir Bukhaari Wasaarad kale loo wareejin doono, iyadoo Wasiir Kuxigeenada qaarkood ay saameyn doonto isku shaandheyntaan cusub, Xogta ayaa intaas ku daraysa in Xildhibaan Cabdicasiis Qambi iyo Xildhibaan Ismaaciil Shire oo ka soo wada jeeda Puntland loo magacaabi doono Wasiiru Dowlayaal.

Warar ayaa sheegaya in Isbeddalka 2-aad ayaa lagu wadaa inuu dhaco ka hor Kalfadhiga Baarlamaanka ee Bisha Juun sanadkaan, iyadoo markaasi la guda geli doono 11-ka Cutub ee harsan Ansixintooda.

319390cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Dhawaan Sii Deynayaan Isku Shaandheyn Kooban ee Golaha Wasiirada..