Madasha Badbaadada Galmudug Looga Dhawaaqay Mogadishu

Somalia news

Waxaa Magaalada Mogadishu looga dhawaaqay Madasha Badbaadada Galmudug, taasoo ah madal mucaarad ah oo ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo muddo xileedkiisa ka hartay labo sano, iyagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrimaha Amniga Nabada iyo Horumarka Caafimaadka iyo Bulshada..

Kulanka loogaga dhawaaqayay Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug waxayna qaar ka mid ah siyaasiyiintaa oo hadalo ka jeediyay kulanka ay ka hadleen dib u dhaca ka jira dowlad goboleedka Galmudug iyo sida ay waajibka u tahay in wax laga qabto.

Qoraal ay soo saareen kulankan kadib ayaa lagu sheegay in mudadii labada sano ahayd ee uu madaxweyne ka ahaa Galmudug Axmed Qorqor uu dib u dhac ku yimid dowlad goboleedka, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Amniga, Horumarinta, daahfurnaan dhaqaale iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo arrimaha doorashooyinka.

163370cookie-checkMadasha Badbaadada Galmudug Looga Dhawaaqay Mogadishu