Boliiska Waqooyiga Gaalkacyo oo Toogasho ku Dilay Wiil Hooyadiis Dalbatay in loo Xiro..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Boliiska Waqooyiga Gaalkacyo ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah, kaasoo qoyskiisu dalbadeen iney u soo qabtaan si loo xiro looguna sameeyo dhaqan celin, kadib markii uu ka dhego adeygay Hooyadiis..

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray “Saleyman” wuxuuna ka mid ahaa Dhalinyarada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo la sheegay iney soo dacweysay Hooyadiis, oo ku eedeeysay inuu diidday in wax uu ka maqlo, sidoo kalena qorsheynayo inuu tahriibo.

“Wiilka hooyadiis ayaa ka dalbatay Boliiska in loo soo xiro, xilli uu safar u ahaa Caasimada ee Muqdisho, balse waa uu ka cararay, Askarta ayaana ku riday rasaas sababtay in ay ku dhacdo, ugu dambeyna uu geeryoodo” ayuu yiri kamid ah dadka goobjoogayaasha ah oo la hadlay Maxaliga degaanka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in toogasha marxuumka loo xiray Askar kamid ah Booliska gobalka Mudug, oo ahaa kuwii cayrsaday, kuna furay rasaasta, Dhacdadaan ayaa abuurtay argagax, waxaana lagu tilmaamay iney muujinayso fashilka 25 sano kadib, Maamulka Dani ee Puntland ka heysta dhismaha Laamaha Amniga, sida Sirdoonka, Ciidamada Daraawiishta iyo Boliiska oo u xilsaaran la macaamilka Bulshada.

283050cookie-checkBoliiska Waqooyiga Gaalkacyo oo Toogasho ku Dilay Wiil Hooyadiis Dalbatay in loo Xiro..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com