Maxaa Dalka & Dadka Soomaaliyeed Ka Hortaagan iney Yeeshaan Dastuur iyo Doorasho Wakiilo…

Somalia news

Guud ahaan Dalka Somalia xiligaan oo lagu guda jiro Maalmaha Xoriyada, iyadoo ayaan darrada ku habsatay ayaa ah iney Shacbiga ka aradan yihiin Siyaasiyiin Dadka iyo Dalka ku hogaamin karta iney ka saaraan Nidaam la’aanta iyo Qabyo tirka iyo Dhameystirka Dastuur ka saari kara, iyadoo Axdiyada ay ku shaqeeyaan yihiin kuwo KMG ah…

Dhibaatadaan Waxaa sababay hurgumadii ka timid dhaqangelin la’aantii heshiisyadii KMG ahaa ee lagu soo saxiixday Djibouti iyo Imbagathi (Kenya), kuwaasoo 22-sano kadib lagu shaqeynaayo, iyadoo qodobada ugu muhiimsanaa oo ahaa in Dalka laga sameeyo Tirakood sax ah kadibna Dadku hogaankooda siyaasadda iyagu doortaan.

Dhibaatada Caasimada & Kooxaha Afduubka ku heysta

Magaalada Mogadishu ayaa weli waxaa ka shaqeeya una Afduuban tahay in Wareegto uu ku magacaabo Shaqsiga dhaqaale badan ku bixiyay inuu Laaluusho Xildhibaanada una xushaan inuu Dalka Hogaamiyo, wuxuuna u magacaabaa Maamulka Gobolka Mid kamid ah Kaadiriintiisa kaasoo xitaa kari waayay inuu Qashinka iyo Biyaha wasaqda ah ka qaado magaalada.

Maxaa ka hortaagan Shacbiga Nidaamkii lagu Heshiiyay in Beelaha wax loogu qaybiyay:-

Waxaa isbaarada ugu weyn ee hortaagan in Nidaamkii lagu heshiiyay ee Beelaha wax loogu qeybiyo waxaa ka mid ah, Iyadoo Kooxaha Danleyda Siyaasada ineysan Daacad ka aheyn in la dhameystiro Qabyada Qoraalka iyo in Xafiisyada & Xilalka Dowlada Taageerashooda, iyadoo Horjoogayaaahani Shacbiga isku tusa iney Shacbiga (Beelaha) Wakiil ka yihiin, iyadoo shuruucdii dawladnimada hagi lahayd aan loo hogaansamin ama murug iyo laaxin ku jiro.

Maxaa Dadka ka Hortaagan in Tirakoobo guud Dalka:-

Inta badan Degaanada Dalku ka kooban yahay waxey xor ka yihiin Kooxaha Argagixisada hadana Danleyda Siyaasada Dan uguma jirto iney Shacbiga la tirakoobo isla markaasna Dalka laga dhiso Xisbiyo aan Ku dhisneyn Ururo Diimeed iyo Iskaashato Dad qalato ah oo Dadka kala qeybinaayo.

Yaynaan qaab-beeleedkii la soo maray oo ahaa shanti (5) sanoba nin lagu soo doortay aan fursad u siino in uu Dal iyo Dadba yeesho, Yaynaan shan (5) sano kadib joogin meesha aan maantay joogno ee aan horay uga socono iyada oo aysan jirin MUDDO KORORSI.

262690cookie-checkMaxaa Dalka & Dadka Soomaaliyeed Ka Hortaagan iney Yeeshaan Dastuur iyo Doorasho Wakiilo…