Xubnaha Galmudug ee Guddiga Doorashada Oo aan la xareyn

Somalia news

Maamulka Farmaajo ayaa Huteel Decale ee caasimadda Muqdisho waxay tababar uga bilaabeysaa xubnaha dowlad goboleedyadda ku metelaya guddiyadda doorashooyinka 2020-21-ka, isagoo dhegaha ka fureystay baaqyada Ka imaanaya Wakiilada Beesha Caalamka iyo Dhinacyada Soomaalida…

Xubnaha lagu xareeyay Huteelkaas ayaa kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, waxaana ka maqan Galmudug, Puntland iyo Jubaland.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu uga cudurdaartey in xubnihii maamulkiisa lagu biiriyo maadaama uu waanwaan ka dhex-wado madaxda waqtiga kasii dhacayo iyo Midowga Murashaxiinta.

Puntland iyo Jubaland ayaa dhankooda waxay horey u qaadaceen hanaanka ay Villa Soomaaliya u maamuleyso guddiyadda, iyaga oo ku eedeeyay in ay jebisay heshiiskii ay kala saxiixdeen si gaar ah qodobada khuseeya guddiyada.

Madaxtooyadda ayaa lagu haystaa in ay guddiyadda kusoo dartay shaqaale dowladeed, taageereyaasha Villa Somalia iyo xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Balse, dhamaan eedahaas way dafirtay dowladda.

Lama ogga hadii talaabada cusub ee uu qaadey Qoor-qoor ay hoos-u-dhigi karto cilaaqaadka kala dhaxeeya Villa Somalia oo gacan-weyn ku lahayd guushiisa si lamid ah dowlad goboleedyadda kale ee Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Dhaqdhaqaaqa wadaxaajoodyadda uu bilaabay Qoor-qoor ayay ku xirnaan doontaa hadii dalka qaab nabad ah uga baxayo mar-xalada kala guurka. Hadii tanaasul laga heli waayo dhinacyadda, waxay u badan tahay in qalalaase dhici karo, taasoo aan la ogeyn halka uu ugu dambeyn saldhigan karo.

77520cookie-checkXubnaha Galmudug ee Guddiga Doorashada Oo aan la xareyn