Ma Dhabaa in Kooxda Shababka Ay Afduubteen Mas’uul Ka Tirsan Jubbaland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heleyaa Afduub ay geysteen Unug ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo la sheegay in Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbaland ka afduubteen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo..

Wararka ayaa sheegay in Unugaan hubeysan oo gaari watay, kana tirsan kooxda Shabaaka ayaa afduubtay sarkaal katirsan maamulka Jubaland, waxana Sarkaalkaasi lagu magacaabaa Sadaam Cali sida ay sheegayaan ilo wareedyo loo qaateen ah.

Kooxdaan oo wejigood daboolana ayaa hal mar kasoo degay gaarigii ay wateen, kadibna gacanta ku dhigay Sarkaalkaaan, si fududna u kaxeystay, Ila hada lama yaqaano goobta ay u kaxeeysten, iyadoo Maamulka Jubaland uusan ka hadlin dhacdadaan.

190330cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Shababka Ay Afduubteen Mas’uul Ka Tirsan Jubbaland