Ma Dhabaa In Xiriiro Ganacsi Ay U Dhaxeeyaan Hogaanka Amisom & NISA

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in xiriir qarsoodi oo dano dhaqaale isku xiraaya ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Hogaanka Hey’adda NISA iyo Xafiisyada UNSOM iyo Amisom, iyadoo la sheegay in maahruucyo loo oggolaaday Adeege Fahad si looga hortago Kooxaha argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in 4-tii sano Ee ugu dambeysa Xafiisyada kor ku xusan ay u oggolaadeen iney qandaraas ku siiyeen Shirkadiisa warbaahineed Ee lagu magacaabo (Horn-Connect) taasoo sanadkii ka macaashta 4-Millions US$, Shirkadaan ayaa qandaraas ku siisay 3-Radiyo oo ku kala yaala Magaalooyinka Kismaayo (Waamo Radio), Baydhabo (Arlaadi Radio) iyo B/weyne (Beerlula Radio), Qandaraaskaan ayaa la sheegay iney fududeeyeen isla markaasna saami ku leeyihiin Madaxa Howlgalada Amisom (Francisco Madeira) iyo Madaxa Xafiiska Siyaasada (Babatunga Taiwo).

Ololahaan oo muddo soo socday ayaa loogu magac daray Baraarujinta iyo Wacyi gelinta Shacbiga Soomaaliyeed ee degan Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Somalia, iyadoo la kaashanaayo Warbaahinta maxaliga ah, kuwaasoo sandareerto yar lagu qanciyay, waxeyna xiriir wada shaqeyn la leeyihiin Fahad Yasin oo caqabad ku ah Geedi socodka Nabada Ee Somalia.

125040cookie-checkMa Dhabaa In Xiriiro Ganacsi Ay U Dhaxeeyaan Hogaanka Amisom & NISA