Ma Dhabaa in Seddex Walxaha Qarxa oo ay Diyaarinaayeen kooxda Shababka ay ku Qarxeen

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 3-Qarax oo xooggan oo laga maqlay Degaanada Qeycad iyo Bilcille ee Bariga degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasoo ay Farsiimo ku leeyihiin maleeshiyada kooxda argagixisada shabaabka…

Wararka ayas sheegay in Qaraxa hore ee laga maqlay degaanka ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxshay, kaasoo ay xogtiisa la socdeen Xoogaga Amaanka Galmudug isla markaana ay diyaarinayeen Maleeshiyada Al-shabaab uu iyaga ku qarxay sida uu sheegay Mas’u ka tirsan Xoogaga Daraawiishta Galmudug ee ku sugan degaanka Dhaghaye.

Qaraxaan ayaa xogtu sheegtay in khasaare xoogan ka dhashay madaama meesha uu ka dhacay ay ahayd xero Maleeshiyo oo ay la haayeen argagixisada shabaabka, halka Labada Qarax ee kala oo aan la cayimin meelaha ay sida rasmigaa uga dheceen ayaa loo malaynayaan inay yihiin Miinooyin ay kooxdu dooneysay inay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in Doon ka mida sh kuwa ka yimaad dhanka Dalka Yemen ayaa lagu qabtay agagaarka xeebta Degmada Hobyo, waxaana looga shakisanyahay iney Horjoogayaasha kooxda Shabaabka u adeegaysay, Dhowr maalin ka hor ayaa laba doonyood oo noocaan ah waxay dhaawacyo kooxdu leedahay ka qaadeen xeebaha hoos yimaad Xarardheere.

223150cookie-checkMa Dhabaa in Seddex Walxaha Qarxa oo ay Diyaarinaayeen kooxda Shababka ay ku Qarxeen