Ma Dhabaa In Fahad Yasin Safar Laga Hor-istaagay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Shalay safar qarsoodi ah laga hor-istaagay Adeege Fahad Yasin Agaasimaha NISA, xili uu doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdishu…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Fahad Yasin uu si qarsoodi ah uga bixi rabay Magaalada Muqdishu, isagoo ku sii jeeday Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, Madaxa Hogaanka Dabagalka oo aad ula socday dhaqdhaqaaqa Agaasimaha NISA ee xiriirka dibada ayaa lagu soo waramayaa inuu kashifey saxiibkiisa Fahad Yaasiin oo shaqo wadaagta yihiin, waxaana arintaas ka caroodey Mar.Farmaajo oo shaki ka muujiyey safarka aan loo sheegin.

Talaabadaan ayaa dhalisey ismaan dhaaf uu ka dhashay, waxaana warar hoose sheegayaan in Agaasime Fahad Yaasiin xiriir hoose la leeyahay Musharixiinta kale ah Mr.Cabdikariin Guuleed iyo Mr.Xasan Cali kheyr uuna doonayo inuu ka soo gado dowlada Qatar si ay u maalgeliso Musharixiinta ay danahooda ka dhex arkaan.

76890cookie-checkMa Dhabaa In Fahad Yasin Safar Laga Hor-istaagay