Yaa Galmudug Ka Taageeraya Dhaqaalaha Ku Baxaaya Shirka

Somalia news

Maamulka Galmudug ayaa iska diiday inay jiraan dhinacyo Shisheeye oo ka taageeraya dhaqaalaha ku baxaya shirka Madaxda Maamulada Gobolada oo lagu wado in berrito uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug….

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa markii ugu horeysay shir uu heerkiisu sareeyo ku yeelan doono Magaalada Dhuusamareeb, mudada uu xafiiska jooggo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo xilka loo doortay 2-dii bishii February ee sanadkan.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Galmudug ay qaadatay go’aan ay ku raadineyso masiirka dalka, isla-markaana ay reer Galmudug dhexda u xirteen marti-gelinta shirkaasi.

Wasiirka oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa xusay in si Soomaalinimo ku dheehan tahay, ay u qaabili doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada, iyaguna ay ka dheregsan yihiin inay marti u yihiin dad kaloo Soomaaliyeed.

“Ka Galmudug ahaan siyaasad aan haataan qaadayna oo lagu hoggaaminayo ayaa jirta. Madaxweynaha cusub ee Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ee sidaad la socotaan deegaanada Galmudug oo dhan uu maraayo ayaa reer Galmudug oo dhan dhexda u xiran doonaan, qaab Soomaaliyeed ayaana ku qaabileynaa. Xoolaha aanu leenahay ayaan u qaleynaa, kuna sooreynaa, guryo iyo deegaan aanu madaxda seexinaana waan leenahay. Ayaguna dad Soomaali ah oo dareensan in dad kaloo Soomaali ah ay la jooggaan weeye.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

46690cookie-checkYaa Galmudug Ka Taageeraya Dhaqaalaha Ku Baxaaya Shirka