Yaa Hortaagan in La Xisaabtamo Dayaca Amni Dalka ka Taagan

Somalia news

Farmaajaha fashilmay ee muddo xileedkiisu dhamaadey Feb 2021 ayaa isku dayay inuu muujinayo inuu weli yahay Madaxweyne sharci ah, isagoo dagaal siyaasadeed ku wada RW Rooble, wuxuuna doonaayaa inuu ka takhaluso Hogaanka Rooble…

Isagoo isugu yeeray Madaxada laamaha Amaanka, sida Booliska, Xoogga Dalka, NISA iyo Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, wuxuu kala hadlay arrimaha amniga dalka, Kulanka ayaa yimid kadib markii Rooble uu farey Hey’addaha Amniga iney baaritaan dhab ah ku sameeyeen dilkii Xildhibaanada Aamin Maxamed Cabdi, oo lagu eedeeyay Fahad iyo Farmaajo.

Xili kasta oo Kiis xasaasi ah dhaco oo Villa Somalia lagu eedeeyo, Farmaajo ayaa ku orda Hay’adda amniga iyo Madaxada Ciidamada oo isaga hoos yimaadaan, isagoo aan cidna kula xisaabtamin firaaqada Amni ee dhacday xilna ka qaadin kuwa xilalka Amniga haya.

Hadaba Kulan aysan goob joog ka aheyn Wasiirada Amniga & Gaashandhiiga miyaa lagu sixi karaa Amniga Dalka, wuxuuse kulankaan kaga duwan yahay kuwii sanadihii ugu dambeeyay uu qabtay Farmajaha Fashilmay, muxuuse u hortaagan yahay in la saxo firaaqada Amni ee Dalka.

177780cookie-checkYaa Hortaagan in La Xisaabtamo Dayaca Amni Dalka ka Taagan