Ciidamada PMPF ee Puntland Oo Xalay Xoog kula Wareegay Xarunta Barlamaanka Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ay la wareegeen Xaruntaasi, kadibna ku amray Ilaaladii Xaruntaasi iney isaga tagaan goobta…

Takabaadaan ayaa soo shaac baxday kadib markii muddo la isku mari waayay wadahadal la doonayay in Gudoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada, Labada dhinac ayaa isku dhacay markii Mr.Deni uu ka soo horjeestay muddo kororsi sanad ah oo ay sameysteen Xuldhibaanada Baarlamanka Puntland oo ka kooban ilaa 66 xubnood, waxaana arrintaas ka dhashay khilaaf iyo muran adag oo aan weli xal loo helin.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ganafka ku dhuftay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay Mr,Deni, Shir jaraa’id oo siyaasiyiintaan ay qabteen ayay ku xuseen in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, isla markaana la qabto doorasho xalaal ah.

293720cookie-checkCiidamada PMPF ee Puntland Oo Xalay Xoog kula Wareegay Xarunta Barlamaanka Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com