Digniino Amni Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu

Somalia news

Kadib weerarkii Garoonka Diyaaradaha Mogdishu & Beledweyne ee kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen, ayaa Xog loo qaateen ay sheegeysaa in kooxdu qorsheysay in muddo 72 saac gudahood ah ay beegsato mid ka mid ah gaadiidka shirkadda gaarka loo leeyahay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Shirkadda SAHAL ee ka howlgasha daabulka rakaabka ka baxaaya iyo kuwa safarka imanaya ee garoonka Diyaaradaha ay noqon karto bartilmaameed nugul oo la beegsan karo, iyadoo la sheegay in Shabaabku ay diyaariyeen qarax gaari noociisu yahay Noah midabkiisuna tahay cadaan uuna wado qof naftii halige ah balse xogta ma sheegeyso qofka fulinaya qaraxa inuu yahay Rag ama Haween.

Hay’addaha Amniga ayaa lagu wargeliyay iney dhici karto in la beegsado shirkadda SAHAL fariin digniin ahna la gaarsiiyay waxaana lagu wargeliyay iney feejignaan muujiyaan si loo yareeyo dhibaatada ka dhalan karta is-miidaamintaan ay kooxda Argagixisada Shababka qorsheeyeen.

177810cookie-checkDigniino Amni Oo Laga Soo Saaray Magaalada Mogadishu