Yuhuuda Oo Xusul-duub ugu jirta Martigelinta Dalxiisayaasha Carbeed

World

Dalka Israel oo muddo dheer caburin, Afduub, Barakicin, Xarig sharci darro ah iyo Xasuuq ku hayay Shacbiga Falaatiin ayaa xiligaan xusul duub ugu jira sidii uu u soo jiidan lahaa Dalxiisayaal ka soo jeeda Dalalka Carabta iyo Islaamka, si ay u booqdaan Masjidka Al-Aqsa iyo Goobaha Taarikhiga ah…

Wasaarada Dalxiiska Israel ayaa sheegtay in tiro aad u yar oo Dalxiisayaal Carbeed ay soo booqdeen Dalkaasi tan iyo markii ay Heshiiska diblomaasiyayeed la gaareen Dowlada Carabta qaarkood sida UAE iyo Bahrein sanadkii 2020-kii, xogta ayaa xustay in “Nus malyuun Qof oo Dalxiisayaal Israeli ah ayaa booqdeen magaalada Dubai.

Halka Dalxiisayaal UAE ah oo tiradoodu lagu qiyaasay 2000-oo Qof ayaa u dalxiis tagay Dalka Israel, Mr.Mursi Xija oo madax ka urur ay leeyihiin Iskaashatada Dalxiiska Carabta ee Israel ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP in Dadka Carabta ay badankoodu aaninsan yihiin iney Dembi weyn gelayaan hadii ay safar ku tagayaab Dalka Israel.

Magaalada Qudus oo ay ku nool yihiin Muslimiin badan ayaa sanad kasta waxaa Xoogaga Amaanka Yuhuuda kula kacaan falal isugu jira Dilal, Afduub iyi xarig sharci darro ah, ku darsoo waxey Dowlada dalkaasi weli wadaa Barakicinta Shacbiga Falastin, Muftiga Masaajidka Al-Aqsa ayaa Fatwo ka soo saaray Dalxiisayaal UAE oo ay ku booqdeen Masaajidka iyadoo ay ilaalo ka hayeen xoogaga Amaanka Yuhuuda.

238130cookie-checkYuhuuda Oo Xusul-duub ugu jirta Martigelinta Dalxiisayaasha Carbeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com