Dagaalkii Degaanada Galmudug Oo Isu Bedelay Dacaayad

Somalia news

Muddo todobaadyo ah waxaana degaanada ka tirsan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug (Galmudug) ka socday Howlgalo lagu xaqiijinaayo sugida Amaanka iyo ka sifeynta Kooxda argagixisada Shababka oo in muddo isku dayaayay iney la wareegaan degaanadaasi…

Kooxda Shabaabka ayaa faafisay warar marin habaabin ah oo Dhanka dacaayada loogu tala galay, iyadoo sheegtay iney weerar hoobiyayaal (10) ah ku qaadeen farsiin ay ku sugnaayeen Saraakiisha Hogaamineysa Howlgalada socda, kuna taal duleedka degaanka Bacaadweyn, kuwaasoo geystay Khasaare.

Wasiirka Amniga Galmudug Mr.Axmed Macallin Fiqi ayaa been abuur ku tilmaamay Wararka ay faafiyeen Shababka wuxuuna sheegay “Waxba kama jiraan Warka Kooxda argagixisada Ee dhiiga Dadka Muslimka ah daadintiisa ka xishoon waayay miyaa been ka xishoonaaya”.

131450cookie-checkDagaalkii Degaanada Galmudug Oo Isu Bedelay Dacaayad