Wabiga Shabeelle oo Fatahaad ka sameeyay Beledweyne

Somalia news

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyay Xaafadda Xaawo Taako kadib markii biyo raacay Keliga Dhagax-Jebis ay karkaarada jabsadeen sida ay u sheegeen Warbaahinta gudaha qaar kamid ah dadka xaafaddaas, Qoysaska ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda kadib markii cabsida lasoo deristay…

Welwelka ugu badan ee sababay barakacooda waa ka fogaanta go’doon ay galaan, Digniin uu soo saaray maamulka Gobolka Hiiraan maalmo kahor waxa uu ku muujiyay in biyo badan uu keenay Wabiga Shabeelle sidaas awgeed loo baahan yahay in laga hortago kahor inta aanay karkaarada jabsan.

Guddiga kahortagga Fatahaadda Wabiga ayaa sameeyay carro-tuur xooggan si ay u celiyaan biyaha Wabiga isla markaana looga hortago fatahaad saameyn taban ku reebtay Shacabka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

DG Hir-Shabeelle Guddiga uu u xilsaaray fatahaadda Wabiga wuxuu sheegeen iney gacan maran yihiin, kadib markii dhaqaalaha Xukuumadda u ballanqaaday ay bixin weysay Wasaaradda Maaliyadda inkastoo uu eedeyntaas iska fogeeyay Wasiir Beyle.

120850cookie-checkWabiga Shabeelle oo Fatahaad ka sameeyay Beledweyne