2-Gaari la sheegay iney Daawo iyo Agab kale u Wadeen Kooxda Argagixisada Shabaabka oo la qabtay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Maamulka Galmudug ayaa Konfurta Magaalada Gaalkacyo ku qabteen Labo Gaari oo noocoodu yahay Homey, kuwaasoo la sheegay in Alaabo kala duwan u wadeen kooxda Aragagixsada Shabaabka…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Amaanka Galmudug ay Gaadiidkaani qabteen ayaa la sheegay in ay ku rarnaayeen Daawo, Raashin iyo Agabyo kale oo la sheegay iney dalbadeen Maleeshiyaada kooxda Shabaabka ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Mudug, Saraakiil ka tirsan Xoogaga Amaanka ayaa sheegay in gaadiidka la qabtay ay kusii jeedeen degaann dhaca Konfurta Galmudug, gaar ahaan Degaannadii dhawaan ka baxeen Ciidamada Dowlada dibna u qabsadeen Kooxdani.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sidaan oo kale horey gacanta ugu dhigay Gaadiid kala duwan oo alaabo u waday deegaanno ay maamulaan Shabaabka, alaabahaasi ayaana la dheegay in si gaar ah ugu socdeen kooxdaasi.

316100cookie-check2-Gaari la sheegay iney Daawo iyo Agab kale u Wadeen Kooxda Argagixisada Shabaabka oo la qabtay..