Suufiyada Galguduud Oo Dib isu Abaabuleysa & Maamulka Qorqor Oo ka Aamusan..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in haraagii Kooxdii Hubeysneyd ee Suufiyada ay ka bilaabeen magaalada Guricel iney dib isku abaabulaan, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Maamulka Qorqor uu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintaan oo gadaal ay ka riixayaan Villa Somalia iyo Hogaanka NISA..

Xogtaan ayaa si hoose u sheegtay in Horjoogayaasha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee fadhigoodu yahay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ay ku dhawaaqeen iney ka qeyb qaadanayaan wajiga 2-aad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada Shabaabka oo ay wado Maamulka Xasan Qoslaaye.

Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Villa Somalia Saalax Sheekh Cali oo ku sugna fagaare looga hadlaayay arrimaha la dagaalanka shabaabka ayaa hoosta ka xariiqay in fariinta Ahlu Sunna uu gaarsiin doono madaxda dowladda Federaalka, isagoo caddeeyay in wejiga labaad ee howlgalka uu dhowaan bilaaban doono.

Kooxda Suufiyada ayaa horay ugu soo caan baxday la dagaalanka kooxda Shabaabka oo ay horay uga xoreeyeen inta badan degaanada Maamulka Galmudug, islamarkaana halkaasi mudan badan ka talin jirtay, inkastoo markii dambe ay Dagaal dhiig badan ku daatay la galeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Qorqor.

262511cookie-checkSuufiyada Galguduud Oo Dib isu Abaabuleysa & Maamulka Qorqor Oo ka Aamusan..