Qoraal Digniin ah oo ay soo Saareen Xildhibaano & Senators kuna aadan Ansixinta Dastuurka..

Somalia news

Qoraal ay soo saareen 71-Xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo Senataro ayeey si wadajir ku qaadaceen hanaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto muddo bil iyo dheeraad Xarunta Baarlamaanka ee labada Aqal kaasoo ku dhow gunaanad…

Xubnahan oo ay daaha gadaashiisa ka hagayaan Mafaxweynayaal hore iyo Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Gudoonka Baarlamaanka in aan la raacin xeerarkii iyo habraacii lagu ansixin lahaa dib u eegista dastuurka, sidoo kalana Hoggaanka Baarlamaanka uu si bareer ah u jebiyay xeer hoosaadyada iyo habraacan loo marayay dib u eegista Dastuurka, Qoraalka ayaa lagu qoray Afka Ingiriiska.

Qoraalkaan oo ay wadajirka u soo saareen Xubnahaan ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadka soo socdo lagu wado in la ansixiyo Wax ka bedelka Dastuurka, Senator Saciid Siyaad ayaa liiska kasoo muuqday, waxeyna u badan inuu la carooday Saaxiibkiis Qorqor oo qodobada la bedelay wax ka saxiixay, Iyadoo Xildhibaanada Taageersan Farmaajo iney hubkooda la soo geli doonasn gudaha Xarunta Baarlamaanka.

316160cookie-checkQoraal Digniin ah oo ay soo Saareen Xildhibaano & Senators kuna aadan Ansixinta Dastuurka..