Howlgalka ATMIS oo soo Gabagabeeyay Wajigii 1-aad ee Dhimista Ciidamadooda..

Africa News Somalia news

Waxaa la soo gabgabeeyay Wajiga 1-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), waxayna ugu yeereen dhimista Ciidamadooda kadib markii ay wareejiyeen labadii saldhig ee ugu dambeeyay oo qeyb ka ahaa todobo Fariisin, ATMIS ayaa sheegay tallaabadan inay u qaadeen, si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo Askari…

Dhammaan todobada saldhig oo kal ah – Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada nabadsugidda Somalia, Labadii saldhig ee ugu dambeysay ee lagu wareejinayay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa ciidamada Ciidamada Difaaca Kenya ee qeybta ka ah ATMIS, halka Aljazeera 1 oo ku taayalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen ciidamada Uganda ee ATMIS.

Dhawaan ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka 2000 askari oo katirsan ciidanka ATMIS, Waxayna sheegeen in la qiimaynayo amniga Somalia iyo in ciidamada Dowlada ay la wareegi karaan mas’uuliyada Amniga dalkooda.

263620cookie-checkHowlgalka ATMIS oo soo Gabagabeeyay Wajigii 1-aad ee Dhimista Ciidamadooda..