Dib u Dhaca ku yimid Diiwaan gelinta Xeryaha Dhadhaab oo Xanuun ku keentay Qaxootiga Soomaaliyeed..

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya ku dhawaad 2,200 oo Qoys oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya ayaa noqday kuwo quus ka taagan Raashin la’aan kadib markii ay meesha ka baxday bixinta kaararka diiwaan gelinta iyo awoodi la’aanta inay helaan gargaar ah…

Xabiibo Cabdicasiis Shaawi, waa hooyo qaxooti ah oo 8-Carruur ah heysata oo Seygeeda kula nool xerada Xagar-dheer ayaa sheegtay, “Waxaan ku tiirsan nahay oo keliya caawinta Dadka kale ee Soomaalida ah ee halkan jooga, sidaas ayaana carruurteyda ku quudiyaa, haddii aynaan helin wax aan seexano, meel aan aadi karno ma jirto.”

Hooyadaan ayaa tilmaamtay in Kaarkeeda gargaarka ay ku heli jirtay 112 kiiloogaraam oo Raashin ah oo ay ku jiraan Galley, Bariis iyo Qamadi. Si kastaba ha ahaatee, kaarkeeda gargaarka ayaa dhacay bilowgii sanadka markii Qoysaska lagu wargeliyay inay u baahan yihiin inay mar kale iska diiwaan galiyaan Ururada gargaarka, taasoo sii adkeysay Noloshooda, dhowr jeer ay tagtayna goobaha diiwaan gelinta ay ku hungowday sababo la xiriira farsamo xumo ka timid Hey’adda Kenya’s Refugee Affairs Secretariat (RAS).

Sanadkii la soo dhaafay 180,000 oo Qoys oo ku nool xerada Ifo iyo Dhagaxley ee xerada Dhadhaab ayaa dib loo diiwaan geliyay, waxaana howsha xerada Xagardheere lagu waday in la soo gabagabeeyo rubuci hore ee sanadkan, Khaliif ayaa sheegay in hadii diwaan galinta ay ku sii socoto dib u dhac ay saameyn ku yeelan doonto Qoysaska badan maadaama intooda badan aysan heysan ilo dhaqaale.

322410cookie-checkDib u Dhaca ku yimid Diiwaan gelinta Xeryaha Dhadhaab oo Xanuun ku keentay Qaxootiga Soomaaliyeed..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *