2016 Mr.Farmaajo Naceybkiisa Ethiopia Ayuu Ahaa Xagaagaana Kenya

Somalia news

Mr.Farmaajo ayaa sanadkii 2016 ololaha Doorashada a ku galay “Naceyb Ethiopia “, waxaana u qorsheysan in xagaagan hal ku dhega Ololaha Doorashada uu doonaaya inuu ka dhigo Kenya, sida ay Fooxlayaasha ay faalkoodu dhegaha ugu shubeen….

Mr.Farmaajo ayaa shaqsiyan gaarey go’aanka xiriirka loogu jaray Dalka Kenya isagoo fulinaya dalab kaga yimid hogaamiyeyaasha Ethiopia iyo Eritrea, sida sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah, sidoo kale Khabiirada Curaafeysiga ayaa kula taliyay in Xiriirka loo jaro Kenya.

Prof.Kabire oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in “ Codsiga Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ay kula taliyeen Mr.Farmaajo in xiisadda Muqdisho iyo Nairobi ay noqoto ajendaha ugu weyn ee shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD loogana weeciyo colaada gobolka Tigray.

Dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu lagu qiyaasay 490-Kun una dhiganta 53% Qaxootiga dalkaasi ku nool Sida laga soo xigtay Hey’adda UNHCR, ayaa laga yabaa iney soo food saarto dhibaato dhanka beegsiga ah, kadib markii Maleeshiyaad hubeysan oo Beesha Mareexaan laga abaabulay Xadka (600-Km oo xuduud ah Ayer leeyihiin Somalia iyo Kenya) Dhanka Beled Xaawo, kuwaasoo wada dagaal hoose (Low level Fighting), saameyn ku yeelan doona Qaxiotigaasi Mustaqbalka dhow.

Akhristoow ku darsoo Muwaadiniin (Ganacsatada) Soomaaliyeed ayaa meherado kala duwan ganacsiyo ku leh Dalka Kenya, kuwaasoo maalgelin xoogan geliyay, iyagoo aan lagala tashan ayaa Xiriirka Kenya loo jaray waxa ay ku dambeyn doonaan Allah ayaa Og, Lakin Xiriir u goeynta saameyn ayuu ku yeelan doona Mustaqbalka dhow.

“Breaking relations with other countries is not an effective strategy; the state that breaks relations registers its displeasure but that won’t make the other country (Kenya) change its posture; also, the move deprives both states opportunity to communicate,” he says Prof.Kabire.

“Somali government’s decision to cut ties with Kenya and its real motive should be scrutinised. Why sever ties now? Was this the only option? How do we know this isn’t a quintessential a wag that the dog move or a diversionary ploy so Kenya’s Amisom contingent which protects Jubaland from Al-Shabaab (as Ugandans and Ethiopian protect Mogadishu and Baydhabo is forced to leave?”.

79850cookie-check2016 Mr.Farmaajo Naceybkiisa Ethiopia Ayuu Ahaa Xagaagaana Kenya