Dabley Hubeysan oo Gaari ku Rasaaseysay Duleedka Dhuusa mareeb & Khasaare ka Dhashay.

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya fal weerar ah oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Mowlad Goboleedka Galmudug, xiisadaan ayaa laga cabsi qabaa iney soo cusbooneysiiyo Colaadaha Beelaha…

Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxey rasaas la beegsadeen Gaari Dad Shacab ah ay saarnaayeen oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb, kuna wajahnaa degaanka Xiindheere, xilli uu marayay agagaarka degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa rasaasta lagu furay Gaariga ku geeriyoodeen Nabaddoon lagu Magacaabi jiray Cali Sheekk Cabdulle iyo Gabadhiisa, halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo kale, xiisadaan ayaa la sheegey inuu salka ku heyso arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo kajira degaano ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana weli ka hadlin weerarkaas Maamulka & Laamaha Amniga Gobolka Galgaduud.

261090cookie-checkDabley Hubeysan oo Gaari ku Rasaaseysay Duleedka Dhuusa mareeb & Khasaare ka Dhashay.