Aqlabiyada Aamusan Ee Soomaalida & Dareen La’aanta Kooxaha Siyaasada Ka Ganacsada

Somalia news

Somalia ma aha dal Siyaasaddiisu qaan-gaartay oo hannaankiisa xukun dhidibadu u taagmeen oo leh awoodo is dheelitiraya iyo hannaan khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga lagu xalliyo, Mana aha dal ay awooddu kali-talis ama qoys gacanta ugu jirto, Waa dal colaad sokeeye iyo xukun la isku dilay ka soo kabanaya, siyaasad jilicsan iyo xukun nugul oo kabkab ah ayaa ka jira…

Marka la eego dooddii iyo dirirtii labadii sano ee ugu dambysay ee Maamulkii hore ka dhacday khilaafka doorashooyinka, muranka iyo loollanka haatan ka tagaan doorashooyinka Somaliland, Puntland iyo tan gacan ka hadalka gaartay ee Konfur Galbeed iyo mugdiga hareeyay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada kale waxay tilmaam ka tahay marxaladda cusub ee ay Somalia foolanayso.

Waxaa walwalka sii xoojinaya in horwaynta (elite) siyaasadda Soomaalida ay iyaga uun isku muuqdaan, moog-yihiinna heer kulka dareenka taban ee bulshadu ka qabaan siyaasada iyo siyaasiyiinta danleyda ah ee xiligaan kuwaasoo aan warba u heynin xaalada uu Dalku ku sugan yahay kuna mashquulsan Boob dhaqaale iyo Nin jecleysi.

Dalkaan waa Wadan dadkiisu in ka badan 70% dhallinyaro yihiin, kuwaasoo doonaya iney mustaqbalka la noolaadaan, macno wayna aysan ugu fadhiyin hurgomooyinkii iyo aanooyinka qabiil ee awoowayaashood kala gaaray, waxay hamuun wayn u qabaan nolasha dunida casriga ah ee ay maalin walba ka daalacdaan aaladaha xiriirka baraha bulshada.

Xaaladaha cakiran ee Dalka waxay ku soo beegantay iyadoo uu bolol (decay) ku dhacay, ama ay ilka beeleen, awoodihii soo jireenka ahaa (Traditional Authority) iyo iyadoo 20-kii sano laga gudbi waayey hanaanka 4.5, siyaasiyiintuna ku guuldaraysteen in ay dhisaan nidaam dawladeed oo awoodihiisu is dheelitirayo, lehna aalado iyo hannaan khilaafka lagu xalliyo, xukunka nabad lagula kala wareego, nidaamka amniga, Ciidamada, Shaqaalaha rayidka ah, Diblomaasiyada mutaysi lagu dhiso.

Marka la eego quusta iyo niyad jabka laga qabo siyaasiyiinta iyo qaflada ay ku jiraan, duruufaha maalinba maalinta ka dambaysa sii qalafsanaanaya ee nolosha dadkeenna, dulqaadka bulshada ee gabaabsiga sii noqonaya, gocoshada iyo gadoodka xoogga leh ee aqlabiyadda aamusan (Silent majority), waxaan shaki ku jirin in xaaladdu ay riman tahay marxalad cusub, kaasoo laga yaabo in kacdoon bulsho horseedo.

Waxay u badan tahay in wejiga hore ay Al-Shabaab ku bixi doonaan, laakiin aan la kala hari doonin. Waxaan mar walba aaminsanahay in mustaqbal iftiin leh uu Soomaalida ka horreeyo.

234110cookie-checkAqlabiyada Aamusan Ee Soomaalida & Dareen La’aanta Kooxaha Siyaasada Ka Ganacsada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com