4-Qodob Oo Xuddunta U Ah Shirka Wadatashiga Qaran

Somalia news

Mr.Rooble iyo Maamulada Gobolada ayaa la filayaa iney berito Shirkii Wadatashiga Qaran Ee Doorashada ku yeeshaan Magaalada Mogadishu, Shirkaan ayaa ku soo aaday iyadoo la qabtay Xulashada Senatorada Baarlamaanka Federaalka kaasoo cabasho badan laga keenay habkii loo agaasimay….

Wasiirka 1-aad Waxaa gaaray Cabasho iyo dacwado badan oo Muwaadiniin badan oo xaq u lahaa iney ka qeyb galaan Doorashada loo diiday loona xiray kuwo kale oo ay wateen Maamulada Gobolada, waxaa kaloo taagan Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal iyo Madaxda Maamulada Gobolada.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa 4-Qodob oo xudun u ah Khilaafka kuwaasoo kala ah:-

-Hab-raaca Doorashada Aqalka hoose, iyadoo Madaxda Shirka Wadatashiga Qaran ayaa dib u dhigay Qodobkaan, iyadoo ay soo baxaan khaladaad badan oo ku Aadan Doorashada Aqalka Sare, iyadoo la soo jeediyay in Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada loo Madax baneeyo soo xulashada Maamulada ay diidan yihiin.

-Maareynta Dhaqaalaha Doorashada, Doorashada Xikdhibaanada waxey u baahan tagay dhaqaale buuran oo inta badan ku baxeysa Ergada, (27-kun oo Ergo ah) waxeyna u baahan yihiin degaan, Tababaro, Duulimaad iyo Amni. Waxaana ku baxeysa qiyaastii 22-millions US$.

-Hal Degaan Doorasho, Waxaa weli taagan dooda ku saabsan in hal degaan doorasho loo soo laabto, iyadoo Qorqor oo Wakiil ka ah Villa Somalia uu diidan yahay in laga laabto 2-degaan doorasho, Halka Hir-Shabelle, Puntland, Jubbaland iyo Konfur galbeed ay oggol yihiin Mana laga yaabo in la bedelo Qodobkaan.

-Cabashada Ka soo laabtay Xulashada Aqalka Sare, waxaana Kulankaan lagu wadaa in laga wada hadlo sidii loo maareeyay Doorashada dadban ee Aqalka Sare taasoo lagu fasiray xulasho malxiis loo Sameeyay.

136480cookie-check4-Qodob Oo Xuddunta U Ah Shirka Wadatashiga Qaran