Xoogaga Amaanka Puntland oo Howlgalo Lagu Raafaayo Oromada Bilaabay…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Magaalada ay bilaabeen howlgalo lagu raafaayo Dadka ka soo jeeda Oromada Ethiopia oo aad u soo gala magaalada, iyadoo Howlgalkaan lagu fasiray Amni xaqiijin…

Wararka ayaa sheegay in Howlgalka oo laga fuliyay bartamaha magaalada iyo Xaafadaha qaarkood ayaa lagu raafay inta badan Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia laguna ururiyay goobo gaar ah qaarkood ka baxsadeen Gacanta Laamaha Amniga isla markaana dib u galeen magaalada.

Dadka ka soo jeeda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala degaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe aad ugu sii badanayay gudaha Boosaaso, Dhinaca kale hawlgalka caawa ayaa sida la sheegayo lagu qab-qabtay shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu tuhmayo falalka ka dhacay Boosaaso oo bilihii ugu dambeeyay aad u kordhay amnigeeda laga deyriyay.

307790cookie-checkXoogaga Amaanka Puntland oo Howlgalo Lagu Raafaayo Oromada Bilaabay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com