Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Inuu Askareeyo Shababka & Caruurta

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu askareeyo Caruur da’doodu hooseyso oo aan waalidkood raali ka aheyn iyo dagaalamayaal Shababka u soo shaqeeyay, kuwo isasa soo dhiibay, taasoo dib u dhac ku ah Daahfurnaanta hanaanka qorista Ciidamada…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in 7-dii sano Ee ugu dambeeyay ay Kooxda argagixisada Shababka ay ku dhex milneeen Ciidamada Boliiska iyo NISA, iyadoo Xubnahaan qaarkood lagu hayay xarun dhaqan celineed oo ku taal degmada Xamar jabjab, Waxaana lagu xulaa qaab beeleed ku dhisan kuwaasoo howlgalo khaas ah loo diro.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Xubnahaan Hogaan gaar ah loo sameeyay oo xafiisyo ku leh Xarunta Wasaarada Gaashandhigga, ayaa la siiyay Dukumentiyada Dhoofka (Baasaboro Diblomaatig ah) si howlgalo uga fuliyaan Dalalka deriska ah, xubnahaan ayaa la sheegay in qaarkood ay ku jiraan Liiska argagixisada Caalamiga ah.

Wararka ayaa sheegay in kooxahaan intooda badan laga howlgeliyay Gobolka Gedo, waxaana loogu tala galay iney carqaladeeyaan xuduuda Kenya iyo Somalia sidoo kale waxaa loo qorsheeyay iney falal Amaan darro ka bilaabaan Degaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

104940cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Inuu Askareeyo Shababka & Caruurta