Xoghayaha Guud Ee QM Mr.Antonio Guterres ayaa qoraal dhan ka ah Dalal ay Somalia ku jirto u diray Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ku eedeeyay iney ka gaabiyeen Qaaraanka lagu bixiyo ka mid ahaanshaha UN-ka…
Warqadaan oo lagu Hagaajiyay Mr.Volkan Bozkir, ayaa lagu sheegay in Dalalka Somalia, Comoros iyo São Tomé ayuu ku eedeeyay iney ka gaabiyeen bixinta khidmada miisaaniyada Qaramada Midoobay, wuxuuna ka dalbaday in laga joojiyo iney codka bixiyaan.
Balse Guterres ayaa wuxuu daaha ka rogay Goluhu iney Dalalkaan ay weli codeyn karaan kal-fadhigooda hadda socda oo ku eg bisha September sanadkaan 2021, sidoo kale Dalalka Iran iyo Central Africa ayaa dhankooda lagu leeyahay qoondada miisaaniyada Howlgalada Ee QM, ayaa iyaguna lumin doona Codeynta.
Khidmada Lagu leeyahay Dalalkaan:-
Somalia 1,443,640 US$
Iran 16,251,298 US$
Comoros 871,632 US$
Sao Tome 829,888 US$