Sidii Nidaamka Dowladeed Looga Ilaalin Karaa Koox Dano Gaar Leh

Somalia news

Dunidaan casriga ah Nidaamyadii Dowladaha waxey ka sii guranayaan xagga danaha dad isku kooba nidaamka Dowladnimo ugu shaqeysta sida ay rabaan kuna dhex beerta dad uga shaqeeya masaaliixdooda iyo danahooga, kuwaasoo sandareerto loo tuuro, iyadoo ku qasba Beeshooda iney gun noqdaan..

Waxaa dhici kara Xubnahaasi ay wataan tusaale afkaar dhaqaale ku dhisan, si hadaba aan loo dareemin waa in ay bulshada nooc walba dhex galaan, Adeega siyaasaduna waa yoolkooga koowaad, waxana suuragal ah in ay dawladnimada si dadban ula wareegaan, Tuusale Rooble iyo Qorqor oo Adeegayaal u ah Farmaajo Fashilmay.

Kooxahaan ayaa yoolkoodu yahay dhaqaale urursi iyo ganacsi Dadka baahida dhaqaale qaba oo fursad ka dhex raadinaya nidaamka dawladnimada si ay ugu sahlanaato iney wax badani dhiiga dadka ka macaashaan, Shuruucda dalkana sida ay rabaan u dhigtaan oo waxii Ummadu ay wada lahayd looga faaiideysto si gaar ah.

Sidoo kale waxaa jiri kara Shaqsiyaad dano siyaasadeed oo mustaqbal fog ah leh oo iyaguna cid u sahasha ujeedadooda mustaqbalka fog ku sii dhex beerta nidaamka dawladnimo,  waana wax jira oo inta badan dunida casriga ah ee afkaaraha kala tagsani abuurtay oo aan qariib ku aheyn caalamka.

Dawladnimadu waa hab maamul iyo nidaam kala dambayn ay umadi dhisatay oo leh Xeerar iyo Shuruuc lagu kala socdo, ujeedada guudna ay tahay in ay ilaaliso masalaxada iyo danaha guud ee dalka iyo dadka, waxii intaasi ka duwan ee loo adeegsadaa waxaa uu noqonayaa nidaam ka dhex dhisan wixii umadu Dhisatay (deep state) oo leh aragtiyo qorsheysan iyo mabaadii ka duwan kuwa qaranka ( conspiracy theories and ideologies).

Hadaba, Shaqsiyaadkaan (Rooble & Qorqor) ma Waxaa maankooda ka baxay in Dalkaan uu dagaal sokeeye soo maray, (Cali & Ceydiid), Muuse Suudi & Cumar Finish, Doorasho shaqsi loo boobana aysan maanta suurto gal aheyn, waxaan ka cabsi qabaa in Ku shubashada doorashada ay horseedi doonto in Dekada & Airport ay xirmi doonaan dagaalana uu lama huraan noqon doono, ha isku diyaariyaan iney Dooxa iyo Ankara qaxooti ku noqdaan.

153720cookie-checkSidii Nidaamka Dowladeed Looga Ilaalin Karaa Koox Dano Gaar Leh