Share the post "Magaalada B/Weyne Oo Abaabulo Xoogan Oo Doorashada Lagu Diidan Yahay Laga Wado"
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa abaabul xoogan iyo uruursi Maleeshiyaad ayaa laga wadaa magaalada B/Weyne, iyadoo goob joogayaal ay sheegeen in Abaabulkaan uu salka ku hayo sidii looga hortagi lahaa in Doorashada lagu qabto Xarumaha Dowladda…
Wararka hordhaca ayaa sheegay in dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay laga dareemay magaalada B/weyne abaabulka iyi qorista dhallinyarada Hubeysan oo maleeshiyaad ah, kuwaasoo la doonaayo in loo adeegsado iney joojiyaan in maamulka HirShabeelle uu Doorashada ku wado Magaalada.
Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Waxgaradka iyo Siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle oo qaarkood hadda ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ay dhaqaale ku bixinaya in aysan Beladweyne ka qabsoomin doorasho uu hogaaminayo maamulka HirShabeelle oo ay beeshaas si weyn u diidan tahay.
Xogta aan helnay ayaa intaasi raacisay in Jabhada Xuud lagu biiriyay tiro badan Maleeshiyaad ah islamarkaana loo geeyay hub iyo saanad kale, taasoo la sheegay in loo adeegsan doono qabashada doorasho dadban oo ay iyaga isku doortaan bulshada Xawaadle iyadoo meesha laga saarayo maamulka HirShabeelle.