Xildhibaan Isku Soo Sharaxay Xilka Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka

Somalia news

Iyadoo ay 29-Xildhibaan ay ka dhiman tahay tirada guud isla markaasna la isku diyaarinayo Qabashada Xafaladaha Dhaarinta & Aqoonsi siinta Xildhibaanada cusub si au guda galaan doorashada Gudoonka 2-Aqal ee Baarlamaanka ayaa hadana waxaa jira murashaxiin doonaya in jagooyinkaasi ay qabtaan…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Cali Caananuug uu shaaciyey inuu yahay murashax u taagan xilka Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka 11-aad, isagoo laba jeer hore u soo noqday Xildhibaan Dowladda Federaalka, ayas haddana isku soo sharaxay jagadaasi.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyey inuu diyaar u yahay u adeegida Dadka iyo Dalka maadaama uu waayo aragnimo u leeyahay howlaha Baarlamaanka oo uu muddo kusoo jiray, Sida muuqata Caana-nuug oo Jubbaland laga soo doortay gaar ahaan Kismaayo ayaa lagu dhabar jebinayaa Fahad Yaasiin oo kursigaasi doonaya inuu xilkiisa qabto.

176660cookie-checkXildhibaan Isku Soo Sharaxay Xilka Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka