Maxaa Keenay Culeyska in Madaxtooyada ay Ku Qasabto in Xildhibaanad Fowsiyo ka Tanaasusho Tartanka AU-da..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Musharaxada Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Aadan oo u taagneyd u tartamida Jagada Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa Madaxtooyada Somalia ku wargelisay iney isaga harto tartankaasi, Xildhibaanada ayaa muddo Sanad ah olole ugu jirtay Wakhti iyo dhaqaale badana gelisay..

Xuuraano laga helay Madaxtooyada ayaa xawqiijinaaya in kadib markii uu todobaadkii hore safarka kediska ah ku tagay Magaalada Nairobi Xasan Sheekh uu dhigiisa Kenya culeys ku saaray in Xildhibaanad Fowsiyo ka harto Tartankaasi isla markaasna la taageero musharaxninada Mr.Odinga oo sida la xasuusan yahay u ololeyn jiray Somaliland.

Fashilka Siyaasadeed ee Madaxweynaha ayaa ah inuu Laba Xildhibaano ah (Marwi Cabdi Bashiir) oo Haween ah ka hor istaagay iney u tartamaan Jagooyin muhiim ah muddo sanad gudihiis ah, Xasan Sheekh ayaa u sheegay in Codka Somalia loo balanqaaday in la siiyo Musharaxa Dalka Djibouti, talabadaan oo ihaano ku ah guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka.

Soomaali badan ayeey la yaab ku noqotay in Hogaanka Villa Somalia uu ku dhiiran waayay inuu Kursiga (AU) u raadiyo Musharaxad Dalkiisa ka soo jeeda iyo inuu fasiraad cad ka bixin waayo inuu ku bedeshay Wax cad oo Qaranka Soomaaliyeed dan u ah, Hogaamiyaha Kooxda Damu jadiid ayaa mar kale meel kac dhac bareer ah u geystay Musharaxiin Haween Soomaaliyeed kuwaasoo qarash iyo han ka galay Jagooyin sare, waana ayaan iyo Sharaf darro u soo hoyatay Somalia.

328280cookie-checkMaxaa Keenay Culeyska in Madaxtooyada ay Ku Qasabto in Xildhibaanad Fowsiyo ka Tanaasusho Tartanka AU-da..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *