Rooble Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Doorashada

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa sheegaya inuu magacaabay Guddi Sare ee Farsamo oo ka taageeraya arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo ka kooban todob xubnood…

Guddigaan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee Hey’addaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee Doorashada ee heer Federaal iyo kan Dowlad Goboleedyada.

Xubnaha Gudddigaan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka dalka sanadkii 2016kii Avv Cumar Dhagay, Guddigan oo ka kooban 7-xubnood ayaa kala ah:-

1-Abdkadir Elmi Ali.
2-Avv Omar Mohamed Abdulle.
3-Fatumo Abdi Ali.
4-Mohamoud Mohamed Roble.
5-Laila Abdikarin Mohamed.
6-Liban Rabile Good.
7-Abdulahi Hashi Hussein.

123540cookie-checkRooble Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Doorashada