Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa do wadareed abaabulan oo ka dhacay duleedka degaanka Saax-qurun ee Gobolka Mudug, iyadoo dil wadareedkaan loogu geystay ilaa 4-ruux oo isku qoys ah oo kala ah 2-carruur & Aabahood (Xasan Diiriye Cilmi)..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qoysaskaan ayaa la kulmay kooxda dil wadareedka u geystay, kadib waxa ay ku fureen rasaasta sababtay geerida 4-ruux & dhaawaca wiilka yar sida Warbaahinta gudaha u sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.
Falkaan waxaa loo badinayaa dilalka la xiriira aanooyinka, saraakiisha Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug oo goobta tagay ayaa bilaabay howlgallo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay beegsiga qoyskaan.
Dadka ugu badan ee lagu dilo weerarada aanooyinka ah waa Qoysaska reer Miyiga ah, DG Galmudug ayaa sheegtay in ay wax ka qabaneyso dilalka kusoo kordhay Gobollada Mudug & Galgaduud.