Ma Xoogaga Amaanka Ayaan Dembi u Aqoonin Xaaladaha Dhaqan-xumida ee Bulshada Lagu Faafinaayo (Pranks)

Somalia news

Waxaa aad u soo kordhaa Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho Soomaaliyeed, kuwaasoo baadi goob ugu jira sidii ay uga noqon lahaayeen xiddigo Baraha-bulshada, laakiin aan garaneyn wadada saxda ah oo arrintaa loo maro ama sannooyin badan ku dhibaatooda sidii ay dadbadan ay barahooda ugu soo xirmi lahaayeen…

Sidaynu ka warqabno dhawaanahaan waxaa Guud ahaan Dalka soo badanayay dhaqamo xun-xun oo kala gadisan isla markaana baraha bulshada lagu faafinayo, iyadoo macaash laga raadinaayo wax aan jirin (Pranks), Muqaaladaan ayaa lagu faafiyaa Baraha Bulshada sida Tik tok-ga Snapchat iyo Facebook.

Waxaana la xusi karaa dhawaan Gabar dhalinyaro ah iyo asxaabteeda ayaa bulshad la wadaagay dareeno dhiilo leh (Prank) oo dadkoo dhana wada damaqday, balse aanay waxba ka jirin xanuunka iyo dhibka ay soo gudbisay ujeedaduna ay ka aheyd in tiro badan ay daawato si ay macaash ama dhaqaale ku helaan si fudud.

Dhacdooyinkaan noocan ahna wuxuu xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed u yaqaanaa dembi ciqaab lagu muteysan karo qofkasta oo baahiya beena ku dawarsada iyo cidii kale ee ku gacan siisa (Fududeysa) xeerka ciqaabta guud, wuxuu tilmaamayas sida hoosta ku xusan.

Qodobka 523

Kaalmo Raadis / Tuugsi

1. Qofkasta oo aan ahayn qof ku sugan xaalad baahiyeed culus oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ka dewarsada waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal bil ilaa Lix bilood ah marka :-

a) Falka lagu galo qaab naxdin leh ama werwer leh

b) Uu qofku iska dhigo qof dhiman xis ahaan ama xanuun qaba.

c) Uu adeegsado hab khiyaamaysan oo dareenka dadka kale kicinaysa.

Sidaas darteed xaaladaha noocani waxay halis ku yihiin oo ay meesha ka saarayaan in qofkii ay runta ka ahayd ee duruufo qabay ee caawimaadka heli lahaa in Dadka muxsiniinta ah ay ka aamin baxaan oo aan la isku naxariisan oo la kala garan waayo qofkii ay run ka tahay iyo ka been ka sheeganaya ee dhaqaale ku urursanaya, waana sababta xeerku ciqaabta u jideeyey si aan dhaqanka Wanaagsan iyo Diinta looga weecan, waxaana muhiim ah in Xoogaga Amaanka waajibaadkooda sharci ay ka gutaan falalka noocan oo kale ah ee bulshada lagu dhaqan doorinayo.

197380cookie-checkMa Xoogaga Amaanka Ayaan Dembi u Aqoonin Xaaladaha Dhaqan-xumida ee Bulshada Lagu Faafinaayo (Pranks)
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com