Is-Rasaaseyn Dhiig Ku Daatay Oo Mogadishu Ka Dhacay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw israsaaseyn xoogan ku dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka, kuwaasoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sababayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wararka ayaa sheegay in is-rasaaseyntani ay ka dhalatay kadib markii ay ku murmeen Canshuuraha (Baada) laga qaado Gaadiidka dadweynaha Ee halkaasi socotada ka qaada, inta la xaqiijiyay 6-qof oo mid Haweeney tahay ayaa ku geeriyooday, labana Arday, iyadoo ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo soo gaaray Dadka Rayidka ah.

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada ayaa la sheegay iney bilaabatay xili Isgoyska uu ka jiray mashquul aad u xoogan, dadweyne farabadana ay ku sugnayeen Isgoyska, dhacdooyinkaan ayaa joogto noqday, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka iyo kan Ciidamada ay ka gaabiyeen iney xakameeyaan Askartaan Baada ka qaada Dadka Rayidka ah.

131110cookie-checkIs-Rasaaseyn Dhiig Ku Daatay Oo Mogadishu Ka Dhacay