Freedom Airlines oo Duulimaadkeedii ugu Horeeyey ku bilowday Diyaarad Airbus ah

Somalia news

Shirkadda Freedom Airline ee uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay ku bilaabay dayaaradda qaadka dhexe ee Airbus A320, iyagoo Duulimaadkeedii ugu horeeyay uu qaaday magaalada Nairobi Madaxweynaha Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradaan nooceedu yahay Airbus A-320 oo ay dhawaan Freedom Airline soo iibsatay ayaa shalay duulimaadkeedii ugu horeysay ku tagtay magaalada Muqdisho, inkastoo cabasho xoogan laga keenay hab-la-dhaqanka Macaamiisha ee duulimaadkii 14-ka Bishaan wakhti badan kaga lumisay Rakaabkii ay u soo qaadi laheyd magaalada Mogadishu ee Nairobi-Mogadishu.

Freedom Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 2008-dii waxaana aasaasay Maalgashato Ganacsato ah, waxayna noqotay mid ka mid ah shirkadaha si weyn uga duula gudaha dalka, Khadka ugu horeeya oo ay bilaabi-doonto ayaa la filayaa in uu noqon doona  Dubai-Hargeysa iyo Dubai-Muqdisho oo hadda ay baahi-weyn ka jirto.

201420cookie-checkFreedom Airlines oo Duulimaadkeedii ugu Horeeyey ku bilowday Diyaarad Airbus ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com