Gadisleyada & Beeraleyda Beeraha Oo Dhaqaale Xumo Wajahaaya Kadib Qiima Dhaca Khudaarta..

Food Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Gadisleyda ka ganacsata Khudaarka ayaa laga soo bilaabo bishii Juun ee Sanadkaan uu ku yimid hoos u dhac dhaqaale, markii khudaarta lagu iibiyo Jowhar ay qiimo beeshay isla markaana ay wax faa’iido ah ka waysay…

Wararka ayaa sheegaya in hoos u dhacaan uu ay sababtay dhowr arrimood oo is biirsaday, iyadoo Gaadiidka Ka soo qaadi jiray Khudaarta Beeraha oo yaraaday, kadib fatahaadii Wabiga oo jidadka xiray, Xaalada Amaanka wadooyinka oo cabsi xoogan laga muujiyay iyo qiimaha kirada Gaadiidka oo sare u kacay.

Ku darsoo dhibaatadaan ayaa boqollaal Ganacsato ah oo qoysaskooda ay haysato cunno iyo lacago yari, Carruurta Beeraleydaan ay dantu bidday in 24  saacba ay hal mar dabka shitaan, iyagoo soo deynsada Raashin aan Qoyska ku filneyn, iyadoo sidoo kale  khudaarta oo suuqa isku soo gaartay kana badatay baahida Dadka deeganka darteed ay keentay qiimo-dhaca xad-dhaafka ah, Waxay xustay in jirgaanka yaanyada ah oo loogu keeni jiray $5  hadda uu marayo $1, taasoo meesha ka saartay in faa’iido laga helo.

Dhaqaalo xumada soo food saartay Qoysaskaan darteed waxay ka cabsi qabaan in sanad Dusiyeedkan furmay billawga bisha siddeedaad ay waxbarashada ka haraan  igu yaraan saddex ka mid ah carruurtooda oo dhigta fasaladda dusiga sare iyo dhexe oo bishii laga qaadin jiray lacag dhan $26.

272200cookie-checkGadisleyada & Beeraleyda Beeraha Oo Dhaqaale Xumo Wajahaaya Kadib Qiima Dhaca Khudaarta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com