La-Taliyaha Wasiirka 1-aad Oo Naqdiyay Hanjabaada Shababka Ee Doorashada

Somalia news

La-taliyay Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Ee Arrimaha Amniga Mr.Cabdi Diirshe ayaa hoos u dhigay hanjabaado ka soo yeeray Horjoogaha Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, kuna wajahneyd Ergada ka qeyb galeysa Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad..

La-Taliyaha oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa carabka ku adkeeyay iney dedaal ku bixin doonaan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, Wuxuuna intaasi raaciyay in “ Siyaasada Dowladda Ee ku aadan Kooxdaan ay caddahay, sidaas darteed waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa Dalka”.

Qorshahaan cad ayaa loo dejiyay Amniga goobaha Doorashada ka dhacaayaan ayaa sheegay Mr.Cabdi Diirshe, inkastoo ay jirto Cabsida hanjabaada hadana wuxuu ku adkeystay iney Dalka ka qaban doonaan Doorashada daah furan oo si nabad ah ku dhacda.

Xaalad Cabsi Abuur ah:-

Prof.Kabire oo ah Khabiir ku xeel Dheer Arrimaha Gudaha ayaa ku sifeeyay dhawaaqa ka soo yeeray Horjoogaha Shababka “Xaalad Cabsi abuur ah oo la doonaayo in lagu khalkhal geliyo Ergada iyo Xildhibaanada Musharixiinta ah, balse Waa in la dhayalsan, oo la diyaariyo qorshe looga hortago hanjabaadaha Kooxda iney saameyn ku yeeshaan Codbixinta”.

131170cookie-checkLa-Taliyaha Wasiirka 1-aad Oo Naqdiyay Hanjabaada Shababka Ee Doorashada