Maxaa ka Run ah in Ergadii Konfur Galbeed ay ka Baxeen Kulamadii Diyaarinta Dastuurka & Sababta..

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Xildhibaanadii ku matalaayay Maamulka Konfur galbeed ee wax ka bedelka, diyaarinta Nuqulka u dambeeya ee diyaarinta Dastuurka ay isaga baxeen Kulamada kadib markii Madaxweynaha Somalia uu Cadaadis kala kulmay Danjirayaasha USA iyo UK inuu tanaasul la yimaado oo uu hakiyo Qorshahaan…

Sida ay ii xaqiijinayeen ilo wareedyo loo qaateen 4 xubnood oo kasoo jeeday Maamulka Konfur Galbeed ayaa fadhiga shalay ka baxay gabi ahaanba, oo ay 2 xubnood Xildhibaano yihiin, Labada kalena Guddiga Rayidka ah ee madaxa banaan ka mid ahaayeen, waxsyna sabab ka dhigteen in haddii wax la bedelayo aysan ku jirin gabi ahaanba dibu eegista Dastuurka oo ay dib uga tashanayaan.

Xubnahan Koonfur Galbeed ayaa sheegay Madaxtooyada iney doonayaan in la abuuro Madaxweyne iyo MW kuxigeen, haddii lawaayana ay qasab tahay in RW iyo Kuxigeen la sameeyo, kaasoo la awood ah Ra’iisulwasaaraha oo Madaxweynuhu magacaabayo, lana cadeeyo iney Beelaha Digil & Mirifle qaadanayaan RW kuxigeenkaasi.

Kulan gaar ah ayay saacadaha soo socda yeelan doonaan Xildhibaanada labada Gole ugu jira beelaha Digil iyo Mirifle oo ay uga hadli doonaan xaaladdan soo korortay, iyagoo haddii uu lagu adkeysto wax ka bedelkii u dambeeyey ay sheegayaan iney go’aansanayaan iney gabi ahaanba ka baxaan qorshaha qorida Dastuurka cusub.

317490cookie-checkMaxaa ka Run ah in Ergadii Konfur Galbeed ay ka Baxeen Kulamadii Diyaarinta Dastuurka & Sababta..